Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Senate-ka Maraykanka oo ansixiyey xubinimada Sweden iyo Finland ee NATO


Church Schumer oo la hadlaya masuuliyiin ka kala socota Sweden iyo Finland ka dib codayntii lagu ansixiyey xubinimada Sweden iyo Finland ee NATO
Church Schumer oo la hadlaya masuuliyiin ka kala socota Sweden iyo Finland ka dib codayntii lagu ansixiyey xubinimada Sweden iyo Finland ee NATO

WASHINGTON DC - Aqalka Senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa ansixiyey xubinimada dalalka Sweden iyo Finland ee gaashaanbuurta NATO, waxaana codsiga ku biiritaanka labadan dal oggolaaday 95 mudane, halka uu diiday hal xildhibaan.

Tallaabadan ayaa diraysa fariin adag oo muujinaysa sida labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadigu uga midaysan yihiin siyaasadda ku aaddan ku biirista labadan dal iyo weliba in laga hortago dullaanka Ruushka.

"Codka NATO waa cod aad muhiim ugu ah amniga dalka Maraykanka iyo xasiloonida guud ee caalamka oo dhan, sidaas awgeed xubinimada Finland iyo Sweden waxay sii xoojinaysaa gaashaanbuurta NATO, taasoo ah ka hortag degdeg ah oo ku aaddan daandaansiga Ruushka iyo weliba duullaanka uu ku qaaday Ukraine" sidaas waxaa yidhi hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha Senate-ka Chuch Schumer.

Maraykanku waa mid ka mid ah 30-ka dal ee xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO ee ku qasban inay ansixiyaan xubinimada dalalka Sweden iyo Finland. Isbahaysigan ayaa dammaanad qaaday amniga Yurub, 70-kii sano ee ugu dambeeyey.

XS
SM
MD
LG