Hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida Ayman al-Zawahiri ayaa Axaddii lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha drone-ka ee Mareykanka ka fuliyeen magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.
Al-Zawahiri ka sokokow inuu ahaa hogaamiyaha Al-Qaacida, ayaa haddana isaga iyo Osman Bin Laden oo la dilay 2011, waxay Mareykanka u haysteen inay ka dambeeyeen weeraradii 11-kii September.
Zawahiri oo kasoo jeeday duleedka Qaahira ee dalka Masar ayaa ahaa dhaqtar dhinaca qalliinka indhaha ah dhalinyaranimadiisii.
Haddaba warbixin aan ku eegeyno sida dilkiisa looga arkay Masar iyo waxa ay uga dhigantahay dunida iyo Al-Qaacidaba, waxaa magaalada Qaahira ka soo diray wariyaha VOA-da Xuseen Saxnuuni Cusmaan Xuseen.