Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canada oo walaac ka muujisay tirada u dhimata isticmaalka xad-dhaafka ah ee daawooyinka iyo daroogada


Overdose Deaths
Overdose Deaths

CANADA - Dalka Canada, waxaa ka jira walaac ku saabsan dadka u dhimanaya isticmaalka xad-dhaafka ah ee daroogada iyo dawooyinka. Intii u dhaxeysay 2016 ilaa 2021 waxaa la sheegay in illaa 29,052 qof ay u dhinteen isticmaalka qaldan ee dawooyinka.

Gobollada British Columbia, Alberta iyo Ontario oo ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee Canada ayaa ka mida meelaha ugu badan ee dhimashadaas laga diiwaangeliyey, inkastoo bulshada Soomaalida ee dalka Canada ku nooli ay ilaa iyo hadda ka badqabaan halistan, haddana waxey ka mid yihiin bulshooyinka walaaca ka qaba in dhibaatadaasi ay soo gaarto.

Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Cabdirashiid Xasan Xirsi (Bakin) oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee magaalada Toronto.

Walaaca waalidiinta ee isticmaalka xad-dhaafka ah ee daawooynka iyo daroogooyinka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:18 0:00

XS
SM
MD
LG