Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda Ethiopia: 'Diyaar baan u nahay inaanu Tigreega kula hadalno 'meel kasta''


Ambassador Redwan Hussien
Ambassador Redwan Hussien

NAIROBI - Sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda dalka Ethiopia ayaa sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho jabhadda Tigrayga “wakhti kasta iyo meel kasta oo ay ahaatoba”, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhaynin wadahadalkaas, arrintan oo ah tallaabo hore loo qaaday.

Ridwaan Xuseen oo ah la taliyaha dhanka amniga ee Ra’iisal Wasaare Abey Ahmed ayaa hadalkan ku soo qoray bartiisa Twitterka ka dib markii uu la kulmay ergo ka kala socota Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midawga Yurub, waxaana la rajaynayaa in tallaabadani ay horseeddo in wadahadal lagu xalliyo colaadda wakhtiga dheer soo socotay ee u dhexeysa ciidamada dalka Ethiopia iyo xoogagga Tigreega.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Associated Press, Ambassador Ridwaan ayaa sheegay in ururka Midawga Afrika uu hoggaamin doono geeddi socodka, isaga oo codsan kara wixii taageero ah ee uu u baahdo.

Bishii June ayaa lagu dhawaaqay xabbad-joojin si fursad loo siiyo in gargaarka la gaadhsiiyo dadka baahan ee muddada dheer ku go’doonsanaa gobolka Tigreega, waxaana labada dhinac ay ku heshiiyeen inay wadahadal rasmi ah yeeshaan si loo soo afrajo colaadda ka dhex aloosan.

Dawladda Federaalka Ethiopia ayaa markaas ka dib magcawday toddoba xubnood oo dhinaceeda ku metela wadahadalada, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debedda hase ahaatee madaxda Tigreega ayaa soo bandhigay shuruudo hordhac ah oo ay tahay in la meel-mariyo ka hor inta aan si rasmi ah la isu horfadhiisan.

Talaadadii aan soo dhaafnay, Madaxweynaha Tigreega Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in “haddii dawladda federaalka ay dhab ka tahay in wadahadal lagu soo afjaro colaadda, inay dib dib u bilaabi lahayd adeegyadii aasaasiga ahaa ee gobolkaas” isaga oo tixraacaya dhibaatada ka jirta gobolkaas gaar ahaan dhinaca bangiyada, korontada iyo isgaadhsiinta.

Associated Press

XS
SM
MD
LG