Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cagjar: Waxaan jebinay qorshe ay sanad diyaarinayeen Al-Shabaab


Mustafe Cagjar
Mustafe Cagjar

Madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo maanta dib ugu laabatay magaalada Jigjiga kadib muddo toddobaad ah oo uu ku maqnaa furimaha dagaalka ayaa warbaahinta waraysi ku siiyay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Cagjar ayaa sheegay in ciidanka deegaanka ay jabiyeen qorshe sanad la diyaarinayay, islamarkaana ay ku burburiyeen wax kayar saddex cisho.

Dhanka kale, madaxweyne Mustafe ayaa sheegay inay samaynayaan istiraatiijiyad labaad, taas oo ah sidii looga hortagi lahaa kooxda Al-Shabaab islamarkaana aan lugu sugin xuduudka.

Warkan waxaa Jigjiga kasoo diray wariye Maxamed Cabdiraxman Gaataa.

Cagjar: Waxaan jebinay qorshe ay sanad diyaarinayeen Al-Shabaab
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:20 0:00

XS
SM
MD
LG