Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doodda madaxtinimada ee Kenya oo isu bedeshay fagaare uu hal nin khudbad ka jeediyo


Doodda Madaxtinimada ee Kenya
Doodda Madaxtinimada ee Kenya

NAIROBI - Iyada oo wax ka yar laba toddobaad uun ay ka hadhsan tahay doorashada madaxtinimada ee dalka Kenya, ayaa haatan waxaa socda diyaargarawgii ugu dambeeyey ee doorashadaas. Salaasadii waxaa la qorsheeyey in la qabto doodda doorashada madaxtinimada ee dalka Kenya, taas oo la filayey inay foodda isku daraan labada musharax ee u ordaya jagada madaxtinimada ee kala ah, Raila Odinga iyo William Ruto, hase ahaatee dooddaas oo soconaysay muddo 90 daqiiqadood ah, waxaa ka qayb galay hal musharax oo keliya.

William Ruto oo ah madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa keligii ka qaybgalay doodda, ka dib markii uu diiday inuu dooddaas ka qayb galo ra'iisal wasaarihii hore Raila Odinga. William Ruto ayaa keligiis masraxa doodda soo taagnaa muddo ku siman saacad iyo badh, isaga oo ka jawaabayey su'aalaha kala duwan oo la xidhiidhay barnaamijkiisa siyaasiga ah.

William Ruto ayaa qodobada uu balan qaaday waxaa ka mid ah, in la dhimi doono qiimaha maciishadda iyo inuu si weyn ula dagaalami doono musuqmaasuqa.

Ra'iisal wasaarihii hore ee Raila Odinga ayaa ka baxay doodda todobaadkii hore, isaga oo sheegay in aanu diyaar u ahayn in uu la doodo qof aan wax tixgalin ah u haynin qiyamka iyo anshaxa guud. Hase ahaate William Ruto oo eedayntaas ka jawaabay ayaa sheegay in sababta uu Raila Odinga u maqan yahay inay tahay inaanu lahay wax qorshe ah iyo ajande uu u sheego dadka Kenya.

XS
SM
MD
LG