Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo iska fogeeyey mas'uuliyadda qiime kororka cuntada ee dunida


Wasiirka Arrimaha Debedda Ruushka oo hareer taagan Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Ethiopia
Wasiirka Arrimaha Debedda Ruushka oo hareer taagan Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Ethiopia

ADDIS ABABA - Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa si kulul u weeraray dalalka reer galbeedka Arbacadii, xilli uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, isaga oo halkaas ku soo gebagebeeyey safar uu ku marayey afar dal oo ku yaalla qaaradda Afrika. Moscow ayaa raadinaysa taageerada dalalka Afrika, kuwaas oo si weyn u cambaareeyey duullaanka uu dalkaasi ku qaaday dalka Ukraine.

Booqashada Lavrov ee dalka Ethiopia ayaa ku soo beegantay iyada oo uu Maraykanku ku dhawaaqay, ku dhowaad nus bilyan dollar oo gargaar dheeri ah oo loogu talo galay gurmadka abaaraha ee dalka Ethiopia.

Shir jaraa'id oo uu wasiirka arrimaha debedda ee Ruushku uu ku qabtay magaalada Addis Ababa ay uu ku beeniyey sheegashada reer galbeedka ee ah in duulaanka dalkiisa ee Ukraine uu mas'uul ka yahay sare u kaca qiimaha cuntada ee caalamiga ah.

Lavrov wuxuu sheegay in qiimuhu uu sare u kacay ka hor inta uusan Ruushku weerarin dalka Ukraine bishii February, sababo la xidhiidha masiibada COVID-19 iyo waxa uu ugu yeedhay "siyaasadaha cagaaran" ee ay raacaan reer galbeedku.

Waxa uu sidoo kale ku andacoodey in korodh kasta oo dheeri ah oo ku yimid qiimaha sarreenka, inay ka dhalatay cunaqabateynta ay Maraykanka iyo Yurub ku soo rogeen dalka Ruushka.

XS
SM
MD
LG