Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jigjiga: Ganacsatada oo taageeray ciidamada amniga ee la dagaallamay Al-Shabaab


Jigjiga business
Jigjiga business

Dagaallo kale oo dhex-maray ciidamada amniga ee gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Liyu Booliis loo yaqaan iyo malayshiyada Al-Shabaab ayaa shalay ka dhacay goob u dhow deegaanka Feerfeer ee xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. Saraakiisha amniga dowlad deegaanka ayaa guul ka sheegtay dagaalkan.

Dhinaca kalena waxaa sii socda taageerada ay qaybaha bulshada ee gobolka Ismaamulka Soomaalidu u fidinayaan ciidamada amniga gobolka.

Ganacsatada magaalada Jigjiga ayaa lagu soo warramayaa inay maanta iskugu yimaadeen kulan ay taageero ugu muujiyeen ciidammada Deegaanka Soomaalida ee dagaalka kula jira Alshabaab, iyaga oo ugu yaboohay dhaqaale.

Warbixintan waxaa inoo soo diray Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa.

Ganacsatada Jigjiga oo ka hadlay dagaal Liyuu Booliis iyo Al-Shabaab
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:17 0:00

XS
SM
MD
LG