Dalka Canada waxaa go'ay adeegga mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee isgaarsiinta ee Rogers, taasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay guud ahaan nolosha dadka.
Taleefannada ayaa istaagay isticmaalkooda, sidoo kale internet-ka guryaha iyo kan taleefanka ayaanan shaqeyneynin, taasoo ay usii dheertahay inaanan waxba lagu iibsan karin kaararka bankiyada.
Adeegyadaasi ayaa goor danbe dib u soo laabtay iyadoo ay shirkadda Rogers raalligelin ka bixisay in adeegyadeedii ay hawada ka bexeen, aynta taasi si adag u saameysay ganacsiyada iyo nolosha dadkaba.
Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Saciid Cabdikariin Axmed oo ah madaxa howlgalinta shirkadda Hud-hud ee dalka Canada oo kamid ah dadka uu saameeyay arrinkan.