Iyadoo Kenyaanka ay ku soo food leedahay doorasho madaxtinimo oo si weyn loogu baratamayo, ayaa qaar badan oo ka mid ah shacabka Kenya ay ka welwelsanyihiin inay soo noqdaan rabshado ay dad ku dhintaan oo la mid ah kuwii doorashada ka dhashay ee horey dalkaasi uga dhacay.
Koox ka kooban hooyooyinka dadkii rabshadihii hore wax ku noqday ama lagu dilay iyo dad ka soo badbaaday ayaa ugu baaqaya dhammaan dhinacyada in ay nabadda dhowraan inta ay doorashadu socoto sanadkan.
Juma Majanga ayaa warbixintan ka soo diray Nairobi waxaa inoo soo jeedinaya Maxamed Colaad Xassan.