Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo dayax-gacmeed hawada u dirtay


Telefishanka qaranka Iran ayaa Axaddii maanta sheegay in Tehran ay hawada u dirtay gantaal, arrintaas oo keentay fal-celin ka timid Maraykanka. Arrintan ayaa imanaysa ka hor wadahadalada la filayo ee laga yeelanayo barnaamijka nuclearka ee Iran iyo quwadaha caalamka.

Ma cadda xiliga iyo goobta gantaalka laga ganay, hase yeeshee shaac-ka-rogidda ayaa timid ka dib makrii satellite-ka laga arkay diyaar garow laga sameynayey xarunta dayax gacmeedyada Khomeini ee ku taalla duleedka gobolka Semnan. Dhowr gantaal oo isla goobtan laga ganay ayaa horay u burburay.

Warbaahinta dawladda ayaa sii daysay sawirro muujinaya markii gantaalku dhulka ka baxayey. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo xiisadda barnaamijka nuclearka ee Iran ay kor u sii kacayso.

Iran ayaa horay u sheegtay inay qorsheynayso tijaabooyin dheeraad ah oo la xiriira gantaalada dayax gacmeedka xambaara, kuwaas oo markii ugu horreysay ay dirtay bishii February ee sanadkii hore.

XS
SM
MD
LG