Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Microsoft: 'Basaasiinta Ruushka ee Internetka oo beegsaday 42 dal oo xulafo la ah Ukraine'


Shirkadda Microsoft
Shirkadda Microsoft

CLEVELAND, OHIO — Tan iyo markii uu bilawday duullaanka uu dalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine, waxaa hareer socday weeraro dhinaca internetka ah oo budhcad ka soo jeedda dalka Ruushku ay ku beegsanayaan aaladaha isgaadhsiinta ee dalka Ukraine iyo weliba illaa 42 dal oo taageero u fidiyey dalka Ukraine.

Warbixin ka kooban 28 bog oo ay soo saartay shirkadda Microsoft ayaa lagu sheegay in xarumaha dalalka la beegsaday ay isugu jiraan, xafiisyada dawladaha, xarumaha daraasaadka, ganacsatada iyo weliba hay'adaha samafalka.

Guddoomiyaha shirkadda Microsoft Brad Smith ayaa sheegay in weerarada ay qaadeen budhcadda dhinaca internetka ee lagu beegsaday saaxiibada Ukraine, inay guulaysteen illaa 29%, iyadoo lagu xaday ugu yaraan afar meelood meel ka mida xogtii ku kaydsanayd computer-ada loo dhacay.

Guddoomiyaha shirkadda Microsoft ayaa sheegay in laamaha sirdoonka ee dalka Ruushku inay kordhiyeen weerarada ay ku dhex gelayaan computer-ada dalalka ay iska soo horjeedaan, si ay u helaan macluumaadka ku kaydsan computer-adaas.

Ku dhawaad saddex-meelood laba meelood, dalalka la bartilmaameedsaday ayaa ahaa xubnaha isbahaysiga NATO.

Dalka Maraykanka ayaa noqday bartilmaameedka koowaad ee weerarada dhinaca internetka, dalka Poland ayaa isna noqday dalka labaad ee lala beegsaday weerarada ugu badan ee dhinaca internetka, halka ay kor u kaceen weerarada dhinaca internetka ee ka dhanka ah dalalka Denmark, Norway, Finland, Sweden iyo Turkiga.

Kala badh ka mida 128 hay’adood ee la bartilmaameedsaday ayaa ah xarumo dawladeed, halka 12% ay yihiin ururada aan dawliga ahayn, sida xarumaha cilmi-baadhista iyo hay’adaha samafalka.

Associated Press

XS
SM
MD
LG