Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR: Qaxootiga iyo barakacayaasha dunida oo kor u dhaafay 100 milyan oo qof


Madaxa hay'adda Qaxootiga Dunida ee UNHCR Filippo Grandi
Madaxa hay'adda Qaxootiga Dunida ee UNHCR Filippo Grandi

GENEVA – Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaxootiga dunida ee UNHCR ayaa lagu sheegay in tirada dadka guryahooda ka qaxaya inay sare u kacday 8% sannadkii 2021 marka la barbardhigo sannadkii ka horreeyey ee 2020, waxaana lagu qiyaasay inay tiradaasi gaadhay illaa 89.3 million oo qof sannadkii 2021.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sababaha dadkan ku kellifay inay guryahooda ka cararaan inay ugu wacan tahay dagaallada, rabshadaha, cadaadiska iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalkooda ka jira.

Filippo Grandi oo ah madaxa hay’adda qaxootiga dunida ee UNHCR ayaa sheegay in tirada barakacayaasha caalamku inay si aad ah sare ugu sii kacday tan iyo wixii ka dambeeyey duullaankii uu dalka Ruushku ku qaaday Ukraine.

Filippo Grandi ayaa sheegay in dagaalka Ukraine uu barakiciyey inta u dhexeysa 12 illaa 14 million oo qof, taas oo haddii lagu daro tirada dadkii dagaalada iyo colaaduhu barakiciyeen sannadkii hore ee 2021, in tirada barakacayaasha iyo qaxootiga caalamku inay haatan kor u dhaafeen illaa 100 million oo qof.

UNHCR ayaa sheegtay in tirada dadka qaxootiga ahi inay sare u kacday sannadkii hore illaa 27 million oo qof, halka dadka dalalkooda ku dhex barakacay ay kordheen illaa 53.2 million oo qof.

Dad badan ayaa aaminsan in qaxootiga ugu badani ay u hayaamaan dalalka ladan, hase ahaatee UNHCR ayaa sheegtay in 80% dadka qaxootiga ahi inay u qaxeen dalalka saboolka ah ama ku dhaqaalohoodu dhexdhexaadka yahay.

VOA NEWS

XS
SM
MD
LG