Isku xirrada

War Deg-Deg ah

India: Dad ku dhintay bannaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo aflagaadadii loo geystay Islaamka


India Islam
India Islam

Booliiska dalka India ayaa toogtay laba qof oo mudaaharaadayey, waxaana ay xabsiga dhigeen in ka badan 130 qof oo kale kuwaasi oo la xiray xilli uu socday isu soo bax looga soo horjeeday hadal dhowaan ka soo yeeray xubin sare oo ka tirsan xisbiga talada haya oo aflagaado xambaarsanaa oo laga sheegay diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.

Carada ayaa tan iyo todobaadkii hore hareysay dunida Muslimka ka dib markii afhayeenka xisbiga Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ay dood ka baxaysay Telefeshinka ugu gaftay Nabi Muxammad (NNKH).

Muslimiinta ayaa salaadii Jimcaha ka dib isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka dalka India iyo dalalka deriska ah si ay u canbaareeyaan hadalladaasi gefka ahaa, iyadoo booliisku ay rasaas ku fureen bannaanbaxayaal ku sugnaa magaalada bariga dalkaasi ee Ranchi.

Sarkaal ka tirsan booliiska magaalada Ranchi ayaa u sheegay AFP in “booliiska ay qasab ku noqotay in ay rasaas adeegsadaan si ay u kala eryaan bannaanbaxayaasha, taasi oo laba qof ay ku dhinteen.”

Maamulka ayaa jaray xiriirkii internet-ka ee magaalada islamrkaana bandaw ku soo rogay, iyadoo Shabnam Ara oo ka mid ah dadka deegaanka uu u sheegay AFP in jawigu uu wali yahay mid kacsan Sabtida maanta ah.

Inta badan bannaanbaxyada ayaa si nabad ah ku dhamaaday, laakinse magaalooyinka qaar ayay banaanbayaashu dhagxaan ku tuureen booliiska, oo ugu yaraan hal askari u uku dhaawacmay, sida uu sheegay Avanish Awasthi oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gobolka Uttar Pradesh.

Prashant Kumar, oo ah sarkaal ka tirsan booliiska gobolkaasi ayaa AFP u sheegay in 136 qof ay xabsiga u taxaabeen kuwaasi oo laga qabqabtay ilaa lix degmo oo ka tirsan Uttar Pradesh.

Magaalooyinka kala duwan ee India ayaa Jimcihii waxaa ka dhacay bannaanbaxyo waaweyn, iyadoo dibadbaxyada qaar lagu gubay sawirka Nupur Sharma oo ahayd afhayeenka xisbiga BJP ee jeedisay hadalkan carada badan dhaliyay.

Hadalka Sharma ayaa India ku kiciyay duufaan dublumaasiyadeed, iyadoo ku dhowaad 20 dal ay u yeereen safiirada India ee dalalkooda si ay sharraxaad uga helaan.

Xisbiga BJP oo doonaya in uu xakameeyo caradan dublumaasiyadeed ayaa shaqadii ka ceyriyay Sharma, waxaana uu soo saaray bayaan uu xisbigu ku adkaysanayo in ay ixtiraamaan dhammaan diimaha.

Dad ka badan boqol kun oo qof ayaa Jimcihii isugu soo baxay Bangladesh, iyadoo magaalada Lahore ee Pakistan ay iyana banaanbax ka dhigeen shan kun oo qof.

AFP

XS
SM
MD
LG