LONDON - Wararka ka imana dalka Britian ayaa sheegay in qiimaha shidaalku uu marayo halkii ugu sarraysay ee uu gaadho muddo 17 sano ah, waxaana haatan baabuurta lagu qaado qoysaska oo kale lagu buuxiyaa illaa 100 Gini oo ah lacagta Ingiriiska. Dad badan ayaa haatan bilaabay inay iska dhigaan baabuurtii iyaga oo taas bedelkeeda isticmaala baaskiiladaha. Kor u kaca qiimaha shidaalka waxaa keenay dagaalka ka socda dalka Ukraine.
Haddaba warbixin amuurtan ku saabsan waxaa London ka soo weriyaha VOA ee Qaaradda Yurub Abdihafid Awil Ismail.