Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boqorka Belgium ayaa booqanaya Congo oo maamulkii gumaysiga ee dalkiisu ay tacaddiyo ka geysteen


Boqor Philippe iyo madaxweynaha Congo
Boqor Philippe iyo madaxweynaha Congo

Boqorka dalka Belgium-ka, boqor Philippe ayaa Talaadada maant ah bilaabay booqasho taariikhi ah oo ku tegay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, oo ku yaalla gobol ay si naxariis darro ah ula dhaqmeen ugana faa’iidaysteen gumaystihii dalka Belgium, xilligii ay dalkaas maamulayeen.

Safarka boqor Philippe oo qaadanaya muddo lix maalmood ah ayaa martiqaad rasmi ah ka helay madaxweyne Felix Tshisekedi, waxaana safarkani leeyahay muhiimad gaar ah isaga oo ku soo beegmaya laba sano kaddib markii uu boqor Philippe uu sheegay inuu aad uga xun yahay dhaawacyadii dalkaas ka soo gaaray xilligii ay dalkaas gumaysanayeen.

Booqashadan oo ah tii ugu horeysay ee uu Boqorku ku tago dalka Congo tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2013-kii, ayaa waxaa la qorsheeyey in looga faa’iidaysto fursad dib u heshiisiineed oo lagu dhayaayo boogihii iyo tacadiyadii uu geystay maamulkii gumaysiga ee dalka Belgium xilligaa ay ka talinayeen dalka Congo.

Booqashada boqorka ayaa markii hore loo qorsheeyay inay dhacdo bishii June ee sannadkii 2020 si loogu beego debaaldegga sannad-guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay madaxbannaanida dalka Congo, hase ahaatee safarkaas ayaa dib loo dhigay sababo la xidhiidha xanuunkii COVID19 ee xilligaas dunida ka dillaacay.

Boqor Philippe waxaa safarkiisa ku wehlinaysa xaaskiisa Mathilde iyo xubno ka tirsan dawladda Belgium oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Alexander De Croo.

Taariikhyahannada ayaa sheegay xilligii uu gumaystuhu gacanta ku hayey maamulka dalka Congo, in la laayey malaayiin qof, halka qaar badan la jarjaray jidhkooda ama ay u dhinteen cudurro iyaga oo ka shaqaynayey beero uu lahaa boqor Leopold II oo dalka Belgium xukumayey intii u dhexeysay 1865 illaa 1909. Boqor Philipe ayaa taariikh ahaan ku abtirsada dhaxatooyada boqortooyo ee boqor Leopold II.

Belgium waxa kale oo ay isku diyaarinaysaa in ay Kinshasa ku soo celiso ilig ka mid ah haraagii ugu dambeeyay ee halgamaagii Patrice Lumumba - oo ahaa geesigii halgankii gumaysi-diidka ee dalka Congo hoggaaminayey iyo weliba ra'iisal wasaarihii ugu horreeyay ee dalkaas.

Patrice Lumumba waxaa dilay kooxo gooni u goosad ah iyo calooshood u shaqeystayaal u shaqaynayey maamulkii Belgium sannadkii 1961-kii, waxaana jirkiisa lagu baabi'iyay acid ama aashito.

Ilkihiisa ayay qaateen kooxihii fuliyey dilka halgamaa Lumumba, waxaana kooxaha dilka fuliyey hoggaaminayey sarkaal ka tirsan booliska Belgium.

Booqashada boqor Philippe ayaa ku soo beegantay, 12 sano kadib booqashadii ugu dambeysay ee Boqorkii hore ee Belguim Albert II, uu ku tegey dalkaas sanadkii 2010, wuxuuna sidoo kale ujeedkiisu yahay in dib loo soo celiyo xidhiidhkii xumaaday ee labada dalk intii uu xilka hayay madaxweynihii hore ee Congo Joseph Kabila, kaas oo xilka ka degey sannadkii 2018-kii.

AFP

XS
SM
MD
LG