LONDON - Aqalka hoose ee Baarlamanka dalka Jarmalka ayaa ansixiyey boqol bilyan oo Euro oo loogu talagalay Sanduuqa Gaarka ah ee Difaaca oo u hore ugu dhawaaqay Raysal-wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, taasoo jawaab u ah duulaanka Ruushku ku qaadey Ukraine.
Warbixin amuurtaas ku saabsan waxa magaalada London ka soo direy Weriyaha VOA-da Qaaradda Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.