Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo isha ku haya Afrika si uu macdanta Lithium uga soo dhoofsado


Dawladda Shiinaha ayaa bilowday in macdanta Lithium-ka ay u doonato qaaradda Afrika. Macdantan oo aad muhiim ugu ah sameynta baabuurta korontada ku shaqeysa, una wanaagsan cimilada ayaa Shiinuhu uu kaalinta hore kaga jiraa dalalka doonaya in macdantan ay helaan.

Macdanta oo la siiyey magaca “birtii cagaarneyd” ayaa qiimahoodu uu kor u kacay 500% sanadkii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ganacsiga ee Bloomberg.

Sung Choi oo arrimaha macdanaha ku xiil dheer, kana tirsan BloombergNEF ayaa VOA u sheegay in “qiimaha Lithium uu kor u kacay sababtoo ah dhammaan shirdaha baabuurta sameeya ayaa bilaabay in kuwa korontada ku shaqeeya ay ku soo daraan.”

Mulkiilaha shirkadda Tesla ee baabuurta korontada ku shaqeysa sameysa, Elon Musk ayaa fariin dhinaca twitterka ah oo uu qoray ku sheegay in uu “waalli” noqday qiimuhu. Waxa uu intaas ku daray “Telsa waxa laga yaabaa in soo gasho qodista macdantan iyo sifeynteeda, taas oo xaddigoodu badan yahay.”

Arrintaasi waa waxa dawladda Shiinuhu ay sameynaysay, iyada oo shirkadaheedu aanay dooneyn in gaabis uu ku yimaaddo birtan, taas oo laga sameeyo beytariyada baabuurta korontada ku shaqeeya, kuwaas oo tirada ugu badan laga soo saaro Shiinaha. Shiinaha ayaa haysta 80% wax soosaarka dunida.

In ka badan kala bar lithium-ka dunida waxaa laga helaa South America iyo Australia. Shiinaha ayaa baadi goob ugu jira meelo cusub oo ay ku jiraan goobo ku yaalla dalka Tibet iyo meelo kale. Hase yeeshee Africa ayuu aad uga sii raadinayaa.

Sida uu sheegay Sung Choi oo ka tirsan BloomburgNEF “Afrika waxay xiliyadii dambe ahayd meesha isha lagu wada hayo, marka loo eego kheyraadkeeda badan ee macdanahan.”

XS
SM
MD
LG