Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalida Canada oo niyad-jab kala kulmay doorashadii dalkaasi


Liberal leader and Canadian Prime Minister Justin Trudeau visits a local restaurant during an election campaign visit to Tilbury, Ontario.
Liberal leader and Canadian Prime Minister Justin Trudeau visits a local restaurant during an election campaign visit to Tilbury, Ontario.

Gobolka Ontario ee dalka Canada, waxaa habeennimadii Khamiista ka dhacday doorasho si aqlabiyad ah uu ugu guuleystay xisbiga Progressive Conservative-ka, kaasi oo afartii sano ee lasoo dhaafay ka talinayay gobolkaasi.

Laakiin Soomaalida deggan gobolka Ontario, doorashadan waxey u aheyd mid ay niyad-jab kala kulmeen, kadib markii laga guuleystay Faysal Xasan oo ahaa Soomaaligii ugu horreeyay ee ka mid noqda baarlamanka gobolka Ontario, isagoo afartii sano ee la soo dhaafay matalayay xaafadda York South-Weston ee magaalada Toronto.

Haddaba, Siciid Muuse Daahir oo ka faallooda arrimaha Canada, ayaa wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ugu warramay, waxa keenay guul-darrada Faysal Xasan, balse marka hore wuxuu ku hormarayaa guusha xooggan ee xisbiga Progressive Conservative-ka uu kasoo hoyay doorashada.

XS
SM
MD
LG