Masuulka ugu sarreeya ururuka Midowga Africa ayaa la kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Jimcihii shalay iyagoo ka wada hadlay colaadda Ukraine iyo saameynta ay Africa ku yeelatay.
Kala go’ ku yimid raashinkii ay Africa ka soo dhoofsan jirtay Ruushka iyo Ukraine, ayaa sii xoojiyay cunta xumida ka jirtay wadamo badan oo Afrikaan ah, taasoo gelisay malaayiin qof oo Afrikaan ah xaalad gaajo ah.
Maxamed Yuusuf ayaa warbixintan VOA-da uga soo diray magaalada Nairobi, waxaana soo koobaya Maxamed Colaad Xassan.