Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Congo oo Rwanda ku eedeysay in ay taageerto fallaago dagaal ka wadda dhulkeeda


Dad ka qaxaya ka dib dagaalkii ka qarxay magaalada Kibumba ee duleedka Goma, May 24, 2022.
Dad ka qaxaya ka dib dagaalkii ka qarxay magaalada Kibumba ee duleedka Goma, May 24, 2022.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa u yeertay safiirka Rwanda ee dalkaasi, iyadoo joojisay duulimaadyadii Rwandair ay Congo ku tagi jirtay, waxaana ay tallaabooyinkan u qaaday si ay uga jawaabto waxa ay ku sheegtay taageerada Kigali ee fallaagada M23 ee duullaanka militari ku qaaday bariga Congo.

Rwanda ayaa beenisay in ay taageerto fallaagada, oo toddobaadkan ku siqay wax ku dhow 20 km magaalada Goma oo ah tan ugu weyn ee bariga Congo, islamarkaana waqti kooban gacanta ku dhigay saldhigga ugu weynaa ee ciidamada militarigu ku leeyihiin deegaankaas.

Baarayaasha Congo iyo Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale Kigali ku eedeeyay in ay taageerto fallaagada M23 oo kacdoon dhacay 2012-2013 muddo kooban la wareegtay gacan ku heynta magaalada Goma. Rwanda ayaa iska fogeysay eedaymahaasi.

Afhayeenka dowladda Congo, Patrick Muyaya, ayaa habeennimadii Jimcaha ku dhawaaqay joojinta duullimaadyadii ay diyaaradda qaran ee Rwanda ku tagi jirtay Congo iyo u yeerista safiirka kadib markii ay arrintan ka shireen golaha difaaca qaranka.

Waxa kale oo uu sheegay in dowladda Congo ay u aqqoonsatay kooxda M23 in ay tahay urur argagixiso, ayna ka saareyso wadahadallada ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ee u dhexeeya dowladda Congo iyo kooxaha hubeysan ee ka howlgala bariga Congo.

“Digniin ayaa loo jeediyay Rwanda oo hab-dhaqankeedu u eg yahay in ay carqaladeyneyso geeddi-socodka nabadeed ee gebo-gebada ku dhow ee wadahadalladii Nairobi, halkaasi oo dhammaan kooxaha hubaysan, marka laga reebo M23 ay ka go'an tahay in ay dhabbaha nabadda qaataan,” ayuu yiri Muyaya.

Dowladda Rwanda ayaan wali jawaab ka bixin tallaabooyinka ay qaadday Kinsasha.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalkii toddobaadkii hore uu ku qasbay dad ka badan 72,000 in ay guryahooda ka barakacaan.

Bariga Kongo ayaa ilaa 1996-kii waxa ka dhacayay dagaallo joogto ah oo bilowday ka dib markii Ruwanda iyo dowladaha kale ee deriska ah ay galeen dalkaasi iyagoo baacsanaya maleeshiyaadkii Huutuu-ga ee ka qeybgalay xasuuqii Rwanda ee sanadkii 1994-kii.

REUTERS

XS
SM
MD
LG