Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Senegal: 11 dhallaan ah oo ku dhintay dab qabsaday cusbitaalkii ay ku dhasheen


Mid ka mida waalidiinta ubadkooda ku waayay dabka ka kacay cusbitaalka
Mid ka mida waalidiinta ubadkooda ku waayay dabka ka kacay cusbitaalka

DAKAR, SENEGAL —Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall ayaa sheegay in 11 carruur ah oo markaas uun dhashay inay ku dhinteen dab ka kacay qaybta dhallaanka ee cusbitaal ku yaalla magaalada Tivaouane, oo qiyaastii 120 kilomitir dhinaca bari ka xigta caasimadda dalkaas ee Dakar.

"Waxaa xanuun aad u daran iyo argagax igu beeray dhimashada 11 dhallaan ah oo markaas uun dhashay, kuwaas oo ku nafwaayey, dab ka kacay qaybta dhallaanka ee cusbitaalka Mame Abdou Aziz Sy Dabakh ee magaalada Tivaouane," sidaasi waxaa bartiisa twitter-ka ku qoray madaxweynaha dalka Senegal Macky Sally, isaga oo aan faahfaahin badan ka bixinin sababaha dhaliyey dabkan khasaaraha nafeed geystay.

Madaxweynaha Senegal oo safar shaqo ku jooga dalka Angola ayaa sheegay inuu dareenka murugada leh la wadaagayo hooyooyinka iyo qoysaska ubadkooda ku waayay dhallaankan. Wasiirka caafimaadka ee Senegal, Abdoulaye Diouf Sarr, ayaa u sheegay telefishan maxalli ah oo gaar loo leeyahay oo lagu magcaabo TFM in warbixinada hordhaca ahi ay sheegayaan in dabku uu ka kacay, qaybisooyinka gidaarka ku rakiban.

Wasiirka Caafimaadka oo ku sugan Geneva oo uu ka socdo shir ay leeyihiin Golaha Caafimaadka ee Adduunka, ayaa sheegay inuu soo gaabin doono safarkiisa Geneva uuna si degdeg ah ugu laabanayo dalkiisa. Demba Diop Sy, duqa magaalada Tivaouane, oo ah magaalo xarun u ah ama isku xidha gaadiidka u kala safra dalkaas, ayaa sheegay in booliiska iyo ciidanka dabdamisku ay wali ku sugan yihiin cusbitaalka hase ahaatee faahfaahin intaas ka badan muu bixinin.

Reuters

XS
SM
MD
LG