Nairobi —
Culumada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi oo ka hadlay isbadalka Soomaaliya ayaa raja wanaagsan ka qaba in madaxweynaha cusub Xassan Sheeikh Maxamuud iyo dowladiisu ay dib u hagaajin doonto xiriirka ganacsi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya kaasoo xumaa sanadihii lasoo dhaafay.
Sheikh Maxamed Ibraahim Shakuul oo kamid ah guddiga Ganacsatada Soomaalida ee Kenya ayaa rajada ay ka qabaan dowladda cusub ee ku aadan arrintaasi waxaa uu uga warramay Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.