Shirkadda tamarta Gazprom ee Russia ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay joojisay gaaska dabiiciga ah ee ay siin jirtay Finland maadaama dalkaasi uusan ku iibsan lacagta ruble ee Ruushka.
Ruushka ayaa markii uu duullaanka ku qaaday dalka Ukraine 24-kii February waxa uu weydiistay “dalalka aan saaxiibada la aheyn” ee gaaska ka hela oo ay ku jiraan kuwa xubnaha ka ah Midowga Yurub in ay lacagta Ruushka ku iibsadaan.
Haddaba saameynta ay arrintani ku yeelan karto Finland ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ka wareystay Xildhibaan Suldaan Saciid Axmed oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Finland.