Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa keenay in Indonesia ay ka laabato amarkii ay ku mamnuucday dhoofinta saliida cuntada?


Waxsoosaarka beeraha ee Indonesia
Waxsoosaarka beeraha ee Indonesia

JAKARTA, INDONESIA - Indonesia ayaa Khamiistii maanta ahayd sheegtay inay ka laabanayso xayiraaddii ay saartay dhoofinta saliidda cuntada lagu karsado ee dalkaasi soo saaro, mamnuucistaas oo ay soo rogtay bil ka hor. Dalka Indonesia ayaa ku sababeeyey xayiraaddaas ay saareen dhoofinta saliidda cuntadu inay ku saabsanayd arrimo la xidhiidha dhinaca baahida saliidda ee ka jirta suuqyada dalkaas iyo weliba xakamaynta qiimaha.

Qiimaha saliidda cuntada ayaa kordhay illaa 200% ka dib markii dalka Indonesia uu ku dhawaaqay inuu mamnuucay dhoofinta saliidda cuntada iyo alaabooyinka caydhiin. Madaxweynaha dalka Indonesia ayaa sheegay inay dhoofinta saliida ay dib u bilaabi doonaan maalinta Isniinta ee soo socota.

Dalalka Indonesia iyo Malaysia ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee dhoofiya saliida cuntada lagu karsado, waxaana labadan dal ay lacag aad u badan ka sameeyaan dhoofinta saliidda cuntada.

Baahida loo qabo saliidda cuntada ee suuqyada caalamka ayaa korodhay , tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu bilaabmay dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha Indonesia Widodo ayaa yidhi “Aniga oo ka duulaya baahida jirta iyo weliba qiimaha saliidda cuntada, annagoo tixgelinayna in 17 milyan oo shaqaale ah oo ka shaqeeya suuqa wax soo saarka saliidda cuntada, oo isugu jira beeralay iyo shaqaale kale oo taageera, waxaan go’aansaday in dhoofinta saliidda cuntada dib loo furo maalinta Isniinta ee 23-ka May. "ayuu yidhi madaxweyne Widodo.

Waxa uu intaas sii raaciyey in baahida qaran ee saliidda cuntada lagu kariyo ay tahay ku dhawaad 194,000 oo tan bishii. Kahor mamnuucida dhoofinta, baahida saliidda cuntadu waxa ay gaadhaysay illaa 64,500 tan, wixii markaas ka dambeeyay, baahida loo qabo saliidda cuntadu waa saddex laabantay, iyada oo gaadhay in ka badan 211,000 oo tan bishii.

VOA News/AP

XS
SM
MD
LG