Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa keenay inuu 'kaco' xafiiskii shirkadda Google ee dalka Ruushku?


RUSIA-GOOGLE
RUSIA-GOOGLE

Shirkadda Google ayaa sheegtay in xafiiskeeda ku yaalla dalka Ruushka uu awoodi waayay inuuiska bixiyo mushaharaadkii shaqaalaha iyo lacagihii ku baxayey alaabooyinka uu adeega ku bixiyo, waxaana shirkaddu ay sheegtay inay haatan xeraynayso in xafiiskaasi uu kacay ama uu musalafay.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in shirkaddan laga leeyahay dalka Maraykanka ee Google xafiiskeeda Ruushku, inuu qoraal u gudbiyey xafiiska diiwaanka qaranka ee Ruushka, kaas oo ay ku caddaynayso in shirkaddaasi ay gebi ahaanba kacday ama musalaftay.

Shirkadda Google ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in sababta ugu wacan in xafiiskeeda Ruushku inuu kaco inay ahayd, ka dib markii maamulka dalka Ruushku uu la wareegay lacagohoodii u yaallay bangiga, waxaana taasi keentay inaan la sii wadi Karin shaqadii ay ka hayeen dalkaas, gaar ahaan inay bixiyaan musharaadka shaqaalaha iyo bixinta kharashiyaadka kale.

Shirkadda Google oo hore u joojisay hawlihii ganacsi ee ay ka wadday dalka Ruushka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto adeegyadeeda bilaashka ah gaar ahaan dhinaca baadhista macluumaadka, Youtube, Gmail, Google Maps iyo weliba barnaamijkooda dhinaca mobile-ada iyo computers-ka Andriod.

Associated Press

XS
SM
MD
LG