Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo sheegay inay isu soo dhiibeen illaa 959 askari oo u dhashay Ukraine


Qaar ka mida ciidamada isu dhiibay Ruushka
Qaar ka mida ciidamada isu dhiibay Ruushka

Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka ayaa sheegtay inay toddobaadkan isu soo dhiibeen illaa 959 askari oo u dhashay dalka Ukraine, ciidankaas oo ahaa kii ugu dambeeyey ee ku sugnaa aagagga difaaca ee magaalada dekedda ah ee Maripul. Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa saxaafadda u sheegay in tiradan ay ku jiraan illaa 694 oo ciidan ah oo isasoo dhiibay 24-kii saacadood ee u dambeeyey.

Saraakiisha dalka Ukraine may xaqiijinin tiradaasi. Wasiirka ku xigeenka difaaca ee Ukraine Anna Malyar ayaa sheegay in ka badan 260 dagaal yahan inay ka tageen burburka wersheddii birta ahayd ee Azevstal, iyaga oo isu dhiibay ciidamada Ruushka.

Ruushku wuxu hawlgalkaas ku tilmaamay is-dhiibis aad u ballaahan, hase ahaatee Ukraine ayaa dhinaceeda ku sheegtay tallaabadan in ciidamada Ukraine inay dhamaystireen hawshii loo igmaday.

“Hadafku wuxuu ahaa in ciidankani uu si geesinimo leh uga difaacay cadawga inay gacanta ku dhigaan magaalada Mariupol, sidoo kalena aanay u ogolaan inay marin ka dhigtaan” sidaasi waxaa sheegay duqa magaalada Mariupol Vadym Boychenko oo la hadlay idaacadda VOA laanteeda la hadasha Ukraine, wuxuuna intaas sii raaciyey “tallaabadaasi waxay badbaadisay qaranka, waxay fursad u siiyeen in ciidanka dalka Ukraine ay is abaabulaan, iyo weliba magaalooyinka kale, si ay ugu diyaargaroobaan dagaalka ba’an” ayuu yidhi.

Ma cadda waxa ku dhici doona dagaalyahannada Ukraine. Sarkaal Ruush ah ayaa shaki galiyay in maxaabiista la is weydaarsanayo.

Qabsashada Mariupol, oo ah magaalo ka hor dagaal oo ay ku nool yihiin 430,000 oo qof oo ku teedsan xeebta waqooyi ee badda Azov, ayaa noqon doonta guushii ugu weyneyd ee Moscow ay ka gaadho dagaalka socday muddada ku dhow saddexda bilood.

Qaybo ka mida warbixintan, waxaa laga soo xigtay wakaaladaha wararka ee AFP, AP iyo Reuters

XS
SM
MD
LG