Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW oo ku baaqday in la sii daayo macallimiin lagu xirxiray Iran


Dawladda Iran ayaa xirtay ku dhawaad 40 macallin oo dalka oo dhan laga so0 qabqabtay ilaa 1dii bisha May, sida laga soo xigtay Hay’adda xuquuqda aadamaha ee Human Rigths Watch (HRW). Ha’yadda ayaa ku baaqday in macallimiinta la sii daayo.

Hay’adda HRW oo soo xiganaysa website lagu magacaabo Emtedad ayaa sheegtay in ilaa 1dii bisha May ay ciidanka Iran xireen 38 macallin.

Ugu yaraan, 17 ka tirsan macallimiintaas ayaa wali la hayaa, kuwaas oo uu ka mid yahay Mohammad Habibi, madaxa Ururka Macallimiinta ee Iran, sida hay’adda laga soo xigtay.

Hay’adda ayaa sheegtay in xarigu uu yimid ka dib markii Golaha Xiriirka oo ururka macallimiintu uu iskugu yeeray dibadbax dhaca 1dii May oo ah maalinta ka horeysa Maalinta Qaran ee Macallinka ee dalkaas.

Macallimiinta Iran ayaa dibadbaxyo is-xiga xiga sameeyey bilihii u dambeeyey si ay uga cawdaan duruufaha haysta iyo xariga saaxiibadood loo geystay.

XS
SM
MD
LG