Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay tahay dib u-habynta Sacuudigu ku sameynayo nidaamka garsoorka iyo caddaaladda? 


Sacuudi Carabiya ayaa dadaal ugu jirta inay dib u habeyn ku sameyso nidaamkeeda adag caddaaladda, balse isbedelada ayaa waxaa hareeyay xukunno dil ah iyo iyada oo sidoo kale si adag loola dhaqmo dadka kasoo horjeeda boqortooyada, taas oo keentay in la is weydiiyo intee ayay la ekaan doonaan isbedeladu?


Boqortooyada Sacuudiga ayaa caan ku aheyd hirgelinta shareecada Islaamka, taas oo saldhig u ahey nidaamkeeda garsoorka.

Laakii, bilihii la soo dhaafay waxay ku dhaqaaqday dib-u-habayn ay falanqeeyayaashu sheegeen in ay ka dhigi karto in maxkamadaheeda ay u shaqeeyaan si la mid ah kuwa kale ee Bariga Dhexe.

Dadaalkaasi wuxuu ku xiran yahay dhowr sharci oo cusub oo khuseeya arrimaha xasaasiga ah; sida xuquuqda furriinka dumarka iyo awoodda garsoorayaasha sida ay u go'aamiyaan xukunnada dembiyada.

Tallaabooyinkan oo uu ku jiro xeerkii ugu horreeyay ee ciqaabta oo qoran ayaa sannadkii hore waxaa ku dhawaaqay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Dadka dhaleeceeya boqortooyda ayaa xitaa qiray in isbedelku uu ka dhigi karo maxkamadaha Sacuudiga kuwo la sii saadaalin karo xaaladaha qaarkood, laakiin ma jirto rajo ah in xaddidaadda xorriyadda hadalka ay fududaan doonto, ama in nidaamka sharci uu ula dhaqmo si ka wanaagsan kuwa loo arko inay kasoo horjeedaan dowladda.

Inkastoo dib u habeyn lagu sameeyay, hadana mas’uuliyiintu waxay si isku mar ah u bixiyeen xasuusin ku saabsan waxa markii hore siisay Sacuudi Carabiya sumcaddeeda naxariis darada ah, gaar ahaan dil wadareedkii 81 nin ee hal maalin gudaheed bishii Maarso oo lagu helay dambiyo la xiriira "argagixiso."

Labo sharci oo cusub ayay hore u ansixiyeen Golaha Wasiirada Sacuudiga. Mid wuxuu ahaa oggolaanshaha caddaymaha, halka kan labaadna uu ahaa sharciga qoyska, kaas oo ballaarinaya xuquuqda dumarka.

Shareecada Islaamka, kaliya riddada, tuuganimada, dhaca, sinada, khamriga cabista iyo qadafka ayaa wata xukuno qoray, iyada oo garsoorayaasha loo daayay inay go'aan ka gaaraan ciqaabta kiisaska kale.

Dood kasta oo ku saabsan caddaaladda iyo dib u habeynta shuruucda Sacuudi Carabiya, waxaa hor u heynaya dilkii Jamal Khashoggi loogu geystay qunsuliyadda boqortooyada ee Istanbul sanadkii 2018.

XS
SM
MD
LG