Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay Muslimiinta Faransiiska uga dhigan tahay dib u doorashada Macron?


FRANCE2022-POLITICS-ELECTION-LREM

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa mar kale ku guuleystay doorashadii madaxweynenimada Faransiiska isaga oo ka adkaaday Marine Le Pen oo hogaamisa xisbiga midigta fog.

Macron ayaa khudbad gaaban oo uu jeediyey guushiisa ka dib ku sheegay in uu xaqiiqsaday in ay jiraan dad badan oo aan raali ku noqon maamulkiisa xilligii uu talada hayey laakiin ku balan qaadey in uu sameyn doono isbedel wax ku ool ah.

Doorashadan danbe ee Macron saameyn intee leeg ayey ku yeelan doontaa Musliiminta dalka Faransiiska oo tiradii ugu badneyd ay codkooda dhiibteen, xaaladda ka taagan Ukraine iyo kaalintii uu Faransiisku ku lahaa Midowga Yurub?

Warbixin gaar ah oo ku saabsan ammuurtan waxaa magaalada London inooga soo direy Wariyaha VOA-da ee Qaaradda Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.

Guusha Macron maxay ka dhigan tahay?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:26 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG