Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Netflix oo sheegtay inay xakamaynayso 100 milyan oo qof oo adeegeeda ku daawada si bilaash ah


Shirkadda Netflix
Shirkadda Netflix

SAN FRANCISCO (AP) — Shirkadda Netflix oo ka mida shirkadaha ugu waaweyn caalamka ee laga daawado filimada iyo musal-salada ayaa qorshaynaysa inay qaaddo tallaabooyin ay kula dagaalamayso dadka sida bilaashka ah u daawada adeegeeda, iyaga oo wadaagaya furaha sirta ah ama Passwordka.

Tallaabadan ayaa timi ka dib markii ay shirkaddu lumisay illaa 200,000 oo macaamiisheeda ah, taas oo madaxwareer ku ridday saamilayda shirkadda oo hore loogu sheegay in la saadaalinayo inay shirkaddu soo xera-gelinayso illaa 2.5 million oo macaamiil cusub ah. Arrintan ayaa keentay in saamiga shirkaddu uu hoos u dhaco illaa 35%, waana heerkii ugu hoosaysay ee ay gaadho tan iyo sannadkii 2018.

Shirkadda Netflix ayaa ku qiyaasaysa in illaa 100 million oo ka mida macaamiisheedu inay si lacag la’aan ah u isticmaalaan adeega ay bixiso iyaga oo furaha sirta ah la wadaagaya macmiil kale oo iibsaday adeegga shirkaddan, hase ahaatee haatan shirkaddu waxay qorshaynaysaa inay la timaado hab ay dadkaas lacag ugu soo rogto.

Illaa iyo haatan ma cadda tallaabooyinka ay shirkaddu qaadayso si ay u xakamayso furayaasha sirta ah ee la wadaagayo, waxaase wararku sheegayaan in shirkaddu ay qorshayaal cusub la iman doonto sannadka soo socda. Shirkadda ayaa sannadkii hore soo rogtay nidaam lagu hubinayo qofka isticmaalaya adeegga iyada oo shuruud looga dhigayo inuu fariin hubin ah u diro emailkiisa ama telefoonkiisa gacanta si loo aqoonsado.

Shirkadda Netflix waxaa isticmaala in ka badan 220 million oo macmiila oo ku kala nool daafaha caalamka.

Associated Press

XS
SM
MD
LG