Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin ku Dhintay, iyo Qaar lagu la'yahay Xeebaha Libya


Migration EU Libya - African migrants boat in the Mediterranean
Migration EU Libya - African migrants boat in the Mediterranean

Lix qof ayaa dhintay 29 kalana waa la la’yahay iyadoo loo badinayo in ay dhinteen ka dib markii doon ay la socdeen ay ku degtay meel u dhow xeebaha Libya, sida ay Sabtida maanta ah sheegtay hay’adda socdaal addduunka ee IOM.

Hay’adda ayaa Twitter-keeda ku qortay in doon yar oo alwaax ka sameysan islamarkaana siday ilaa 35 muhaajiriin ah ay ku degtay xeebta magaalada Sabratha.

“Meydadka lix qof ayaa la helay, 29 kalana waa la la’yahay, waxaana loo badinayaa in ay dhinteen. Ugu yaraan 53 muhaajiriin ah ayaa toddobaadkan oo kali ah la soo wariyay in ay dhinteen ama la la’yahay,” sida ay sheegtay IOM.

Liibiya, oo muddo tobanaan sano ah ay ka jiraan colaado iyo sharci la’aan ayaa ah halka ay ka baxaan muhaajiriin Afrikaanka iyo Aasiyaan ah oo isku dayaya in ay safarkan halista ah ku gaaraan Yurub.

Muhaajiriinta ayaa inta badan xaalado argagax leh kala kulma gudaha Libya, iyagoo ay xeebaha ka raacaan doonyo ay buux dhaafiyaan kuwaas oo xaaladdoodooda oo aan wanaagsaneyn darteed ku dega badda ama wajaha dhibaato inta ay safarka ku jiraan.

Hay’adda Qaxootiga ee QM ayaa sheegtay in 2021-kii ay ku dhinteen laguna waayay xeebaha badda Mediterranean-ka ilaa kun iyo saddex boqol (1,300) oo muhaajiriin ah taasi oo marinkan ka dhigeysa kan ugu halista badan caalamka ee ay isticmaalaan muhaajiriintu.

QM ayaa sheegtay in sanadkan oo kale ay dhinteen 475 qof kuwaasi oo isku dayayay in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka.

AFP

XS
SM
MD
LG