Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Saameynta heshiiska UK iyo Rwanda ee tarxiilka muhaajiriinta 


Dowlada Britain ayaa canaan weyn ka kulantay qorshaha dadka muhaajiriinta ah ee doonyaha kaga soo tahriiba Faransiiska lagu geyn doono dalka Ruwanda, waxaana dadka diiddan qorshahan ay ku tilmaamay nidaam arxan daro ah oo aan waafaqnaneyn xuquuqda aadanaha.

Dowlada ayaa lagu eedeeyey nidaamkan, qiimaha ku baxaya iyo waliba xuquuda aadanaha ee dalka dadkan loo dirayo ee Rwanda.

Raysal-wasaaraha Britain ayaa sheegay in nidaamkan lagu badbaadinayo dad badan noloshooda.

Haddaba qaabka nidaamkani u shaqaynayo iyo saameynta uu ku yeelanayo muhaajiriinta kasoo gudubta biyo mareenka u dhexeeya Britain iyo Faransiika ayuu wariyaha VOAda Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismil ka wareystay Mohammed Ibrahim Hereri oo ka faalooda arrimaha Britain deggana magaalada Glasgow ee xarunta mandaqada Britain waxaanu marka hore weydiiyey bal marka hore sharaxaad kooban inuu inagga siiyo hishiiskan?

Wareysi: Saameynta heshiiska tarxiilka muhaajiriinta ee UK iyo Rwanda
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:49 0:00

XS
SM
MD
LG