Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cali Xarbi Cali oo lagu xukumay xabsi daa'in


David Amess

Garsooraha Maxkamad ku taala magaalada London ayaa maanta oo Arbaca ah ku xukumay Cali Xarbi Cali oo ah Soomaali ku eedeeysnaa inuu toorey ku dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, xilli uu ku sugnaa Kaniisad uu kula kulmayay cod-bixiyayaasha Bishii October ee sanadii tagay.

Cali Xarbi Cali oo 25 jir ah, ayaa waxaa dhalay lataliyihii hore ee dhanka Warbaahinta ee Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya. Booliska London waxay sheegeen inuu raaciye u ahaa ururka Daacish.

Warbixinta xukunkan waxaa London ka soo diray Wariyaha VOAda Ridwaan Xaaji Cabdiwali.

Cali Xarbi Cali oo lagu xukumay xabsi daa'in
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:28 0:00

XS
SM
MD
LG