Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo oggolaaday in hal milyan oo qof ay sanadkan xajjiyaan


Sacuudi Carabiya ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay u oggolaan doonto hal milyan oo Muslimiin ah oo ka kala imanaya gudaha dalkaasi iyo dibaddiisaba in ay gutaan xajka sanadkan, waana sare u kac weyn ka dib markii xannibaado loo soo rogay xakameynta Covid-19 ay muddo laba sano ah aad u dhintay tirada xujeyda.

Tallaabadan, oo ka hooseesaysa in dib xajka loogu celiyo sidii uu ahaan jiray, ayaa raja gelineysa Muslimiin badan oo ku nool daafaha caalamka kuwaasi oo tan iyo 2019-kii ay mamnuuc ka ahayd in ay u safraan Sacuudiga si ay xajiyaan.

Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka ayaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah oo awooda in uu inta uu nool yahay mar xajiyo. Caadiyan waa mid ka mid ah kulan diimeedyada ugu ballaaran dunida iyadoo ay 2019-kii ka qeybgaleen 2.5 milyan oo qof (laba milyan iyo shan boqol oo qof).

Laakin ka dib markii uu cudurka COVID-19 dillaacay sanadkii 2020-kii ayay dowladda Sacuudigu oggolaatay kaliya kun (1,000) xujeey ah in ay gutaan.

Sanadkii xigayna, waxa ay oggolaatay in ay xajjiyaan ilaa lixdan kun (60,000) oo xujey ah oo dhameystay tallaalka COVID-19 kuwaasi oo isugu jira muwaadiniinta Sacuudiga iyo dadka deggan dalkaasi iyagoo lagu soo xulayay qaab bakhtiyaanasiib ah.

Sanadkan ayay wasaaradda arrimaha Xajka ee Sacuudigu sheegtay in “ay oggolaatay in hal milyan oo xujeey ah oo ka kala imanaya gudaha iyo dibadda ay gudan karaan Xakja,” sida ay wasaaraddu ku sheegtay bayaanka ay soo saartay Sabtida maanta ah.

Xajka oo bilaabanaya bisha July ayaa lagu koobay oo qur ah in ay ka qeybgalaan dadka qaatay tallaalka COVID-19 ee da’doodu ka hooseyso 65 jir, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Xujeyda ka imanaysa dalalka kale waa in ay dalbadaan fiisaha dalku galka Sacuudi Carabiya iyadoo sidoo kale sanadkan laga doonayaa in ay soo gudbiyaan natiijada COVID-19 (PCR) oo sheegaysa in aanu qofku qabin cudurka, waana in baarista lagu sameeyay 72 saacadood gudahooda inta aanu safrin.

Falcelinta ka timid go’aanka ayaa inta badan ahayd mid togan iyadoo dadku ay ku muujinayeen baraha bulshada, inkastoo dadka qaar ee Twitter-ka isticmaala ay dhaleeceeynayeen in da’ lagu saleeyo xujeyda sanadkan.

“Waa war aad u wanaagsan, laakiin in la soo rogo xayiraad ku saleysan da’da ayaa qalbi jab ku ah dad badan oo da'da ah oo doonayay in ay xajiyaan” ayuu yiri mid ka mid ah dadka Twitter-ka uga falceliyay go’aanka ka soo baxay Sacuudiga.

Kuwo kale ayaa walaac ka muujiyay waxa ku dhici doona xujeyda bixiyay qarashka uga baxaya safarka ay ku tagayaan magaalada Makka, laakin uu qorshahaasi baaqdo waa haddii tijaabada COVID-19 ay sheegto in qofku uu qabo cudurka.

AFP

XS
SM
MD
LG