Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Putin oo qorsheynaya inuu ka qeybgalo shir madaxeedka G20


Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa doonaya inuu ka qaybgalo shir madaxeedka G20 oo ay martigelinayso Indonesia dabayaaqada sanadkan, sida uu sheegay safiirka Ruushka u fadhiya magaalada Jakarta ee dalka Jakarta, kadib baaqyo ka soo yeeray qaar ka mid ah xubnaha ururkaasi oo ku baaqaya in laga la mamnuuco ka qeyb galkiisa.

Lyudmila Vorobyova, oo ah safiirka Ruushaka ee Indonesia ayaa sheegay in ururro badan oo ay G20 ka mid tahay isku dayayaan in Ruushka laga saaro ka mid ahaanshaha ururadaas, laakiin reer Galbeedku aysan isku waafaqsaneyn go'aankaas.

Mareykanka iyo xulafadiisa reer galbeedka ayaa qiimeyaya in Ruushka uu ku sii jiro kooxda G20 ee ah kooxda ugu dhaqaalaha weyn dunida, kadib duulaankii Ukraine, sida ilo-wareedyo ku lug lahaa doodahan ay u sheegeen wakaalada wararka ee Reuters.

Laakiin waxaa dhici karta in dalab kasta oo lagu doonayo in si toos ah looga saaro Ruushka ay diidaan dad kale oo kooxdan ka tirsan, kuwaas - oo ay ku jiraan Shiinaha, India, Saudi Arabia iyo kuwa kale.

G20 oo ay ku jiraan kooxda G7 ee ka kooban - Maraykanka, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Canada, Japan iyo Britain - ayaa ah madal muhiim ah oo caalami ah oo loogu talagalay iskudubaridka wax walba laga bilaabo isbeddelka cimilada ilaa waxyaabaha u kala gudba xuduudaha dalalka caalamka.

Reuters.

XS
SM
MD
LG