Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Zelenskyy oo ku baaqay in wadahadalo nabadeed oo wax ku ool ah uu la yeesho Russia


Madaxweynaha Ukraine ayaa ku baaqay in wadahadallo nabadeed oo wax ku ool ah lala yeesho Moscow iyada oo dagaalku galay maalintii 24-aad, uuna saameyn ku yeeshay dadka rayidka ah. Labada dhinac ayaa horey u yeeshay wadahadallo aysan natiijo miradhal ah ka soo bixin.

Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in ay Ukraine marwalba diyaar u ahayd wadahadallo wax ku ool ah si loo xal loogu helo nabad, uuna doonayey wadaxaajood macno iyo daacadnimo ku fadhiya oo keena nabad iyo xasilooni.

Warbxin ammuurtaasi ku saabsan waxaa magaalada London inooga soo diray wariyaha VOA-da ee Qaaradda Yurub CabdiXaafid Cawil Ismaaciil.

Madaxweynaha Ukraine oo wadahadal nabadeed ku baaqay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:41 0:00

XS
SM
MD
LG