Shirkadda maraakiibta iyo doonyaha ee P&O oo ay leedahay shirkada DP World ee Dubai kana shaqaysa biyo mareenno ku yaalla dalalka Britian, Holland, Faransiiska iyo Jamhuuriyadda Ireland, ayaa shaqada ka fariisisay illaa iyo 800 oo qof oo u shaqaalahooda ka tirsanaa.
Arrintan oo dowlada Britain ay aad uga careysiisay waxaa warbixintan ku eegaya Wariyaha VOA-da Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.