Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biden oo Vladimir Putin ku tilmaamay 'dambiile dagaal'


Biden-Putin Collage
Biden-Putin Collage

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii ka jawaabay codsigii Ukraine, kadib markii uu saxiixay $800 milyan oo gargaar ah oo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo hub iyo qalabka difaaca ah, taas oo dhaca kale ka hooseysa codsigii Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ee ahaa in hawada Ukraine laga dhigo aagga duulimaadka ka caaggan.

Laakiin Biden, wuxuu sidoo kale kor u qaaday heerkulka dagaalka afka ah ee u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

"Waxaan u maleynayaa inuu yahay dambiile dagaal," ayuu yiri Biden, oo la hadlayay suxufiyiinta munaasabad ka dhacday Aqalka Cad.

Afhayeenka Ruushka Dmitry Peskov ayaa isaga oo ka jawaabayay hadalka Biden u sheegay wakaaladda wararka ee TASS in hadalka Biden inuu yahay "mid aan la aqbali karin oo aan la cafin karin."

Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Jen Psaki ayaa, markii faahfaahinta hadalka Biden la weydiiyay tiri "Wuxuu ka hadlayay qalbigiisa oo wuxuu ka hadlayay waxaad ka daawateen talefishinnada, taas oo ah falal wuxuushnimo ah oo kaligii taliye naxariis daran uu ku soo duulay dal shisheeye."

Putin ayaa saddex toddobaad kahor billaabay duullaankii Ukraine. Ciidamadiisu waxay garaaceen isbitaallo, dugsiyo iyo guryo, waxaana madaxweynaha Ukriane Zelenskyy uu sheegay in ilaa 100 caruur ah lagu dilay weerarkaas oo ahaa mid ballaaran.

XS
SM
MD
LG