Dalka Sweden waxaa isa soo taraya tirada qoysaska laga qaato carruurta, waxaana sanad kasta hay'adda maareysaa carruurta ay waalidkood kala wareegtaa ugu yaraan 1000.
21-kii bishii December ee sannadkii 2021 daraasad lagu sameeyey Sweden ayaa lagu ogaaday in qoysaska carruurta sida khasabka ah looga qaato waalidkood ay u badan yihiin dadka muhaajiriinta ah ee dalkaas ku nool marka la barbar dhigo qoysaska u dhashay dalka iyadda oo loo aaneynayo in dadka muhaajiriinta ah ay diidaan caawimo ay addeeggyada caruurtu bixiso.
Haddaba, Wariyaha VOA-da Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail ayaa dhibaatadan ka wareystay Hassan Deri oo ah qareen la shaqeeya carruurta la qaato, waxaanu marka hore weydiiyey sababaha ugu waaweyn ee carruurta loo qaato?