Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo shacabkeeda ka codsatay inay soo dhaweeyaan qaxootiga Ukraine  


Dowladda Britain ayaa ka codsatay in dadweynaha Ingiriiska, ganacsatada, hay’adaha iyo bulshadu ay marti ahaan u qaabilaan dadka kasoo qaxaya duullaanka Ruushku ku qaadey Ukraine.

Saraakiisha laanta socdaalka Britain ayaa ka shaqayn doonta inay qaxootiga Ukraine u gudbiso shakhsiyaadka ama hay’adaha ku habboon inay dejin karaan, waana inay dadkaasi oggolaadaan inay qaxoontiga hayaan muddo ilaa lix bilood ah, siddoo kalena caddeeyaan in ay buuxin karaan shuruudaha ku habboon haynta qaxootiga.

Warbixin amuurtaas ku saabsan waxa magaalada London inooga soo direy Wariyaha VOA-da Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail .

Britain oo shacabkeeda ka codsatey in ay soo dhaweeyaan qaxootiga Ukraine
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:03 0:00

XS
SM
MD
LG