Isku xirrada

War Deg-Deg ah

General Muhoozi ma wuxuu isku diyaarinayaa inuu xukunka Uganda kala wareego aabihiis Museveni? 


Sarreeye Guuto Muhoozi Kainerugaba oo ah wiill uu dhalay Madaxweynaha Uganda ayaa Talaadadii sheegay inuu ka fariistay ciidamada militariga, tallaabadaas oo dad badan ay u arkaan inuu isu diyaarinayo inuu u tartamo Madaxtinimada dalka Uganda sanadka 2026-ka.

Dadka dhaleeceeya madaxweyne Yoweri Museveni ayaa sheegay in Muhoozi Kainerugaba oo in ka badan 20 sano ku soo dhex jiray millatariga, uu aabbihiis kula degdegay darajooyinka ciidanka, waxaana dad badan oo reer Uganda ah ay aaminsan yihiiin in Kainerugaba loo diyaarinayo inuu beddelo Museveni.

"Kadib 28 sano oo aan sharafta ciidankeyga ugu adeegayay militariga ugu weyn adduunka, waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in aan ka fadhiistay,” ayuu Kainerugaba ku yiri Twitter-ka Talaadadii shalay, isaga oo aan sheegin sababaha uu shaqada militariga uga fariistay.

Museveni, oo 77 jir ah, oo tan iyo 1986-kii soo xukumayay dalka ku yaalla bariga Afrika, ayaa dhowr jeer iska fogeeyay eedeymaha ah in uu doonayo inuu xukunka ku wareejiyo wiilkiisa, inkasta oo taageerayaasha Kainerugaba ay sheegeen inuu xaq u leeyahay inuu u raadiyo madaxtinimada dalkaas sida qof kasta oo muwaadin ah.

Kainerugaba, oo ah nin aad u isticmaala Twitter-ka, isla markaana muujiyay taageerada uu u hayo Ruushka kadib markii ay duulaanka ku qaadeen Ukraine, ayaa sanadkan gacan ka geystay hagaajinta xiriirka xumaaday ee Uganda iyo dalka deriska ah ee Rwanda, kadib markii uu u safray Kigali oo uu la kulmay Madaxweyne Paul Kagame.

Taageerayaasha Kainerugaba, oo 47 jir ah, ayaa baraha bulshada iyo meelo kale ku cadaadinaya olole ay ku doonayaan in uu isu soo taago sanadka 2026-ka, inkasta oo uusan si cad u shaacin inuu doonayo inuu xilkaasi isu taago.

Sharciga Uganda ayaa ka mamnuucaya askarta inay ka qeybgalaan siyaasadda.

Reuters

XS
SM
MD
LG