Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda SLAC oo badisay ciyaartii furitaanka ee tartanka Sahara Conference


Kooxda Kubadda Koloyga ee Seydou Legacy Athletique Club (SLAC) ee waddanka Guinea ayaa guul ka gaartay furitaanka koobka Sahara ee kooxaha horyaallada Africa, kadib markii ay 85-70 uga adkaatay kooxda Dakar Universite Club (DUC) ee dalka Senegal ciyaar kadhacay garoonka Dakar Arena Sabtidii.

Ciyaaryahannada kooxda SLAC Chris Obekpa, Josh Nzeakor, iyo Dane Miller Jr ayaa wacdaro ka dhigay furitaaka koobkaan, waxaana inkasta oo ay guushu raacday SLAC haddana kooxda DUC ay la timid ciyaar wanaag, iyadoo ay garoonka soo buux dhaafiyeen taageereyaasheeda.

MARCUS CRAWFORD isna ahaa dhiliyii ugu dhibcaha badnaa, isagoo dhaliyay 30 dhibcood, ayaa xaqiijiyay guusha SLAC ee furitaanka tartanka Sahara Conference.

Natiijooyinka ciyaarahan iyo wixii warar ah ee kusoo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.

XS
SM
MD
LG