Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Militariga Burkina Faso oo ku dhawaaqay dowlad cusub


Madaxweynaha kumeel-gaarka ee Burkina Faso Paul-Henri Damiba ayaa Sabtidi ansixiyay xukuumad kumeel-gaar ah, taas oo uu ku jiro wasiirkii hore ee gaashaandhiga ee dowladdi la afganbiyay ee madaxweynihi hore ee dalkaasi Roch Kabore.

Damiba ayaa Sabtidii loo caleema-saaray madaxweynaha Burkina Faso, si uu u hogaamiyo dowladda dalkaasi ka arrimin doonta saddexda sano ee soo socota.

Damiba ayaa horboodayay afganbigi ay millatariga talada kaga tuureen madaxwynhihi hore, bishii Jannaayo ee sanadkaan.

Xukuumaddiisa cusub ayaa waxaa hogaaminaya Albert Ouedraogo oo ah dhaqaalo-yahan loo magacaabay xilka Ra'isul Wasaaraha.

Afgnabigii Burkina Faso ee billowgi sannadkaan ayaa ahaa ki afraad oo muddo 18 bilood gudahood ka dhaca Galbeedka Africa, waxaa ka horreeyay Mali oo laba jeer uu afganbi ka dhacay iyo mid kale oo ka dhacay dalka Guinea.

XS
SM
MD
LG