Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu danbeeyay ee duullaanka Ruushka ee Ukraine


Russia ayaa sheegtay in ay u furayso marin bini'aadantinimo si dadka deggan laba magaalo oo Ukraine ah loogu oggolaado in ay magaalooyinkaasi ka baxaan.

Russia ayaa ku dhawaaqday xabbad joojin si dadka rayidka ah loogu oggolaado in ay ka baxaan magaalada dekedda leh Mariupol, ee ku taal badda Azov, taasi oo go’doonsan, maalmana ay ka socdeen duqeymo. Xabbad-joojinta ayay sidoo kale Russia kaga dhawaaqday magaalada kale ee Volnovakha ee u dhow Mariupol.

Saraakiisha Mariupol ayaa ku eedeeyay Ruushku in ay jebiyeen xabad joojinta iyagoo sii wada duqeymaha ay ku hayaan magaalada, waxayna sheegeen in ay dib u dhigeen qorshaha ay dadka kaga daadgureynayeen magaalada.

Warbixin ay arrintan VOA ka qortey waxaa inoo haya Ibraahim Xassan Daandurey.

Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Ukraine
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:19 0:00

XS
SM
MD
LG