Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada Jigjiga soo gaaray wafdi kasocday dawladda faderaalka oo uu gogaaminayay Raysal Wasaare-ku-xigeenka ahna Wasirka Arrimaha Dibada ee Itoobiya Demeke Mekonnen iyadoo wafdigan ay deegaanka soo gaarsiiyeen deeq lacageed oo dhan 31.4 milyan oo bir.
Deeqdan oo ka koobnayd raashin, lacag iyo calafka xoolaha ayaa la gaarsiiyay dadka barakacayaasha ah ee kusugan degmada Haroorays, kuwaas oo kasoo barakacay abaarta ka jirta deegaanka.
Warbixintan waxaa magaalada Jigjiga kasoo diray wariye Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa.
Facebook Forum