Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Soomaalida ku Xanniban Ukraine.


UKRAINE-CRISIS/
UKRAINE-CRISIS/

Qaar ka mid ah Soomaalida waxbarashada u joogay dalka Ukraine ayay caqabad ka haysataa sidii ay uga bixi lahaayeen dalkaasi iyagoo ka cabsi qaba in colaaddu soo gaarto magaalooyinka ay ku nool yihiin.

Cabdiraxmaan Xasan oo ka mid ah ardayda Soomaalida ee wax ka baraneysay Ukraine ayaa sheegay in qaar ka mid ah saaxiibadii ay ka baxsadeen dalka oo ay u talaabeen dalka dariska ah ee Poland, hase ahaatee ay isaga wali taasi u suurtogali la’ dahay.

Isagoo saaran tareen ayuu uu khadka taleefanka ugu warramay Caasho Ibraahim Aaden, ugu horreyn-na waxa ay weydiisay halka uu u socdo.

Wareysi arday Soomaali ah oo ka mid ah dadka ku xanniban Ukraine
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:28 0:00

Haddaba, safaaradda Soomaaliya ee magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa ka mid ah laba safaaradood oo ka shaqaynayey wax u qabashada dadka Soomaalida ah ee ka soo cararaya dalka Ukraine.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa khadka telefoonka kula xiriirtay Cumar Maxamuud Wardheere oo ka mid ah laba mas’uul oo loo xilsaaray la socodska xaaladda Soomaalida Ukraine.

Halkan ka dhageyso wareysiga sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Brussels
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:02 0:00

XS
SM
MD
LG