Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuuriyada Waqooyi oo dib u billowday tijaabada gantaalaha ridada dheer


Saraakiisha Kuuriyada Koofureed iyo Japan ayaa sheegay, in Kuuriyada Waqooyi ay Axadda maanta ah tijaabisay gantaal nuuca ridada dheer ee ballistic, kaas oo ah kii ugu horreeyay tan iyo bishii Janaayo.

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee South Korea ayaa ku warramay in Kuuriyada Waqooyi ay ridday wax u eg gantaal baalistig ah, kaasoo loo maleynayo in loo tuuray jihada xeebaha bari.

Gantaalka ayaa la rumeysanyahay in laga ganay aagga Sunan oo ah halka uu ku yaallo garoonka diyaaradaha caalamniga ah ee Pyongyang.

Garoonka ayaa ahaa bar lagu tijaabiyo gantaalaha. 16-kii June laba gantaal oo ah kuwa ridada gaaban ayaa laga tuuray garoonkan.

Gantaalkii ugu danbeeyay ee ay Kuuriyada Waqooyi riddo ayaa ahaa kii ay tijaabisay 30-ki bishii June, waxana gantaalkaas uu ahaa kii ugu xawaaraha iyo fogaanta dheeraa.

XS
SM
MD
LG