Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey oo Russia ku boorriyay in ay soo afjarto duullaanka Ukraine


FILE PHOTO: Turkish Foreign Minister Cavusoglu attends a news conference with his Lebanese counterpart in Beirut
FILE PHOTO: Turkish Foreign Minister Cavusoglu attends a news conference with his Lebanese counterpart in Beirut

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa weydiistay dhiggiisa Russia Sergei Lavrov in la dhammeeyo duullaanka Ukraine, mar ay khadka telfoonka ku wada hadleen, sida ay Reuters ka soo xigatay ilo dublumaasiyadeed.

Ankara ayaa ku celcelisay in ay ugu yeerto duullaanka Ruushka ee Ukraine mid “aan la aqbali karin” waxa ayna dalbatay in ay wadaxaajood ka dhex bilowdo Moscow iyo Kyiv.

Cavusoglu ayaa u sheegay Lavrov in sii wadista howlgalka militari uusan cidna waxtar u laheyn, waxaana sidaasi sheegay dublumaasi diiday in magaciisa la sheego.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa khadka telfoonka kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky isaga oo ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay weerarka Ruushka, kuwa dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad degdeg ah, sida uu il wareedkaasi sheegay.

Erdogan ayaa sheegay in Turkey u uku howlan yahay in uu xabbad-joojin dhex-dhigo laba dal, si “looga baaqsado khasaaro kale oo nafeed iyo burburka Ukraine” ayuu yiri madaxweynaha Turkey.

Dublumaasigan ayaa sidoo kale sheegay in Cavusoglu uu dib u cusbooneysiiyay in Turkey uu “diyaar u yahay in uu martigeliyo wadahadallo uu ku dhexdhexaadiyo Russia iyo Ukraine.”

Turkiga ayaa isku arka in uu yahay isku-dheelitiraha Ruushka iyo Ukrain oo uu labadaba xiriir wanaagsan oo saaxiibtinimo la lee yahay. Ankara waxa ay aad ugu tiirsan tahay tamarta uga timaadda Russia.

AFP

XS
SM
MD
LG