Ruushka ayaa duullaan xooggan ku haya dalka Ukraine maalintii labaad . Qaraxyo waaweyn ayaa maanta mar kale laga maqlay caasimadda dalkaasi ee Kyiv. Sidoo kale dhawaqa seeriga colaadda ayaa la maqlayay magaalada galbeedka dalkaasi ku taala ee Lviv, oo aan sidaa uga fogeyn xadka ay Ukraine la wadaagto Poland, magaaladaas oo ay si ku meel gaar ah ugu guureen safaaradaha shisheeye ee Ukraine.
Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay Khamiistii shalay in ciidama Ruushka ee Ukraine Duulaanka kaga ah dhinaca Belerus ay Kyiv u jiraan 32 km oo kaliya.
Hadaba wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Urkaine, waxaa isugu keen soo duway. Cabdixakiin Maxamud Shirwac.